Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada dadban ee 2016 loo gudbiyo liiska musharraxiinta xubnaha aqalka sare, kadib markii uu dib uga dhacay waqtigii loogu talogalay.
5-tii bishan ayeey ahayd in xubnahan loo soo gudbiyo guddiga doorashada dadban, balse dib ayeey u dhacday.
Guddiga doorashada ayaa muddo Labo cisho ah u qabtay maamul goboleedyada in xubnahay ay ku gudbiyaan, iyadoo maanta ay ku beegan tahay waqtiga gudbinta.




From the comments