Goobjoog

Puntland: Gaalkacyo Waxaan Kula Dagaalney Al-shabaab

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu u dhaxeeyay iyaga iyo Xarakada Al-shabaab. Afhayeenka maamulkaasi C/llaahi Quraan Jecel oo la hadlay warbaahinta…

Puntland: Gaalkacyo Waxaan Kula Dagaalney Al-shabaab

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu u dhaxeeyay iyaga iyo Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka maamulkaasi C/llaahi Quraan Jecel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidanka Puntland ee Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay iney doonayeen ragga weerarka soo qaadey iney ka aargoostaan saraakiil uu sheegay in dhowaan looga dilay deegaan ku yaalla duleedka Gaalkacyo.

“Puntland lama dagaallamin Galmudug ee Al-shabaab bay la dagaallantay, waxaa weerar inagu soo qaadey nabad diidka, waan iska difaacnay, khasaarana weynu soo gaarsiinney, waxaan idiin sheegayaa in Al-shabaab ay doonayeen iney u aargudaan saraakiishii dhowaan looga dilay Mudug” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin ka jawaabista weeraro kaga yimaada Xarakada Al-shabaab.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments