Mareykanka iyo Midoga Yurub ayaa Jimcihii sheegay iney sii wadi doonaan wadahadalka u socda labada dhinac ee gor gortanka wadahadallada looga gol leeyahay heshiis ganacsi xor ah oo magacihiisu yahay; ” Ganacsiga iyo maalgashiga iskaashi ee Badweynta Atlantic”, iyadoo ay aad u soo dhawaatay xilliga doorashada madaxtinimada Mareykanka oo qorsheysan 8 November soo aaddan.
Mas’uuliyiinta wadahadlka wadda ee Mareykanka iyo Yurub ayaa ka dib kulankoodii 15aad oo ka dhacay magaalada New York sheegay iney ka go’an tahay in la sameeyo horumarka ugu weyn ee suurtogalka ah ee ku aaddan dhanka goobo loogu talogalay ganacsi oo xorta ah ee Dunida oo dhan ugu weyn, inta aanuu dhamaan xilka madaxweyne Obama oo ku eg 20 January ee soo aaddan.
Dan Mullaney oo dhanka Mareykanka wadahadallada u matalaya ayaa yiri “Wakhtiga u harsan maamulka madaxweyne Obama, waxaa jira waxyaabo badan oo aan qaban karno si wadajir ah”.




From the comments