Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarasahda iyo tacliinta sare ee Somaliland Prof. Cabdi Cali ayaa shaaca ka qaaday iney wasaaraddiisu joojisay gebi ahaanba deeqihii waxbarasho ee ay ardayda danyarta ah ka siin jirtey jaamacadaha waddanka gudihiisa ku yaalla.
Agaasime Cabdi Cali oo u warramayey warbaahinta ayaa sheegay iney bixinta deeqahaas u daayeen jaamacadaha dalku iney si iskood ah u maamulaan sanadkan,“Deeqaha waxbarashada ee dalka waanu daadejinay oo jaamacadaha ayaanu u daadajinay, wasaaradduna hore dadka danyarta ah ayey jaamacadaha waddanka ku qori jirtey, laakiin sanadkan jaamacadaha ayaanu u daynay”, Ayuu yiri agaasime Cabdi Cali.
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey sababaha keenay iney wasaaraddu sanadkan joojiso ardaydii danyarta ahayd ee ay jaamacadaha dalka fari jirtey iney deeq waxbarasho siiyaan, waxana uu cabasho ka muujiyey codsiyo xad dhaaf ah oo wasaaradda buux dhaafiyey, kuwaas oo ay hormuud u yihiin dadka jeebkoodu ladan yahay, waxana uu yiri,“Sababta deeqahaas loo daadajiyeyna wax kale ma ah ee sanadkan dad tiro badan ayaa soo codsaday oo waa nala qarqiyey wasaarad ahaan, waxa aanu kala saari kari weynay waxa soo baxay dad iska ladan oo meesha orday, waxaana loogu talogalay dadka aan awoodda lahayn.”




From the comments