Xog-hayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa sheegay iney in guddigii xisbiga uga xilsaarnayd soo xulista iyo kala reebista musharaxiinta u tartamaysa jagada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay soo gabo-gabeeyeen howshoodii, sidaasi darteedna ay hadda musharaxiintii soo hartay ay gaarayaan Afar u tartamaaya jagada madaxweynaja iyo Lix ku xigeenno u tartami doonta.
Xoghaye Uurcade oo la hadlaayey warbaahinta ayaa waxa u xusay iney ku qaadatay muddo dhan 20 maalmood iyaga oo reebay ugu yaraan 16 xubnood oo buuxin waayey shuruudo ay ka mid ahaayeen inuu ka tirsan yahay golaha dhexe ee xisbiga iyo inaan aqoontoodu gaarsiisneyn heer jaamacadeed.
Maxamed Cabdillaahi Uurcade waxa uu sheegay in musharaxiinta soo baxday loogu codayn doono kala reebistooda shirka golaha dhexe ee xisbiga oo 19 bishan qabsoomi doona kaasi oo lagu soo reebi doono kaliya Labo musharax oo u tartamaya xisbiga doorashooyinka soo aaddan ee madaxtooyada Somaliland.




From the comments