Ku xigeenka safiirka dalka Norwey u fadhiya dalka Kenya Mr Febrown Henis oo soo booqday magaalada Hargeysa ayaa kulan la qaatay wasiirka macdanta iyo tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa waxay Labada dhinac ka wada hadleen sidii dalka Norwey uu u caawin lahaa shaqada wasaaraddu u qabato bulshada .
Kulan ay ku qaateen xarunta wasaaradda macdaynta ka dib ayey waxay si wada jir ah ula hadleen warbaahinta, wasiirka macdaynta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay iney ka codsadeen sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen shiidaal iyo macdan baaris ay wasaaraddu qorshaheeda ka wadday degeaanno ka tirsan gobollka Sool; walaw ayna ahayn shaqo hadda si rasmi ah u socota, wasiirka ayaa yiri ” Waa hor dhac un hadda qorsha uu wado safiir ku xigeenku balse waxaanu ka codsannay in lanaga caawiyo aqoon iyo qalab ahaanba macdan barista aanu qorshaheeda ka wadno gobolka Sool sida deegaanka Hol-hol”.
Wasiirka ayaa intaasi sii raaciyey iney Somaliland baahi badan u qabto waqtigan sidii looga kaalmayn lahaa shiidaal sahaminta si dhaqaale iyo shaqo ahaanba ay uga caawiso arrintaasi.




From the comments