War degdeg ah oo iminka naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay dagaalka dhanka galbeed ee magaaladaasi.
Maanta ayaa gudaha Gaalkacyo laga maqlayay dhawaqa rasaasta waxaase galabta abaare shantii galabnimo dagaalka uu noqday mid la isku adeegsanayo hub culus.
Dhawaqa hubka culus ee dagaalka ayaa laga maqlayaa magaalada dhexdeeda waxaana jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac ee dagaallamaya ee Galmudug iyo Puntland u badan.




From the comments