Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka HirShabeelle oo shalay lagu dhaariyay magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulkaasi cusub.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaabada horumarka leh ee ay ku dhaqaaqeen shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
“Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhoweynayaa guusha lagu tallaabsadey ee dhameystirka maamulka ay yeelanayaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Nidaamka federaalka ee xukunka lagu baahinayo ayay tani dhiirigelin weyn u tahay, waxaana u rajeynayaa shacabka labada gobol inay ka faa’ideysan doonaan waaga cusub ee u baryey ee ay kaga mid noqonayaan maamullada federaalka ee dalka ka jira’’, ayuu yiri Madaxweynaha.




From the comments