AMISOM ayaa la sheegayaa in 3 bil gudahood ay soo gababeyn doonaan magdhawga la siinayo rayid ay ciidamadooda ku dileen gudaha Soomaaliya.
Jide Okeke, oo ka mid ah saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in magdhawga ay qeyb ka tahay xiriir wanaagsan oo ay doonayaan in uu dhexmaro AMISOM iyo dadka Soomaaliyeed.
Adebayo Kareem, oo qeybta xuquuqul insaanka madaxda ka ah ayaa dhankiisa waxaa uu sheegayaa in AMISOM ay xadidi doonto lacagta la siinayo dadka rayidka ee ku dhintay ama ku dhaawacmay rasaasta AMISOM.




From the comments