Wafdiga oo ka koobnaa abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, Taliyaha guud ee AMISOM Jeneraal Cismaan Nuur Subagle, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Mudane Cumar Cabdulle (Cumar Dhageey) iyo saraakiil kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdiga ayaa kulamo la qaatay madaxda Galmudug, iyagoo ka wada hadlay xoojinta amniga magaalada Cadaado iyo habsami u socodka doorashada, waxaana sidoo kale ay kormeereen xarumaha loo diyaariyay Ergada.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Mudane Cumar Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa sheegay in tallaabooyin fiican hore loo qaaday, waxaana taliska AMISOM uu ka codsaday inay ka qayb qaataan amniga meelaha loo qoondeeyay.





From the comments