Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo shirka madasha Wadatashiga Qaran, kaasi oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.
Magaalada waxaa maanta imaan doona qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo shirkan diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale arrimo la xiriira dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo.
Madaxda sare ee dowladda Federaalka, kuwa maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa shirkan ka qeybgali doona.




From the comments