Dadka deegaanka Hudusa oo ka tirsan degmada Berbera ayaa ka cabanaaya dayac ka haysta adeegyada waxbarashada iyadoo ardayda deegaankaasi wax ku barata Geedaha hoostooda.
Ardayda dhigata waxbarashada aasaasiga ah ee ku nool magaalada Hudusa ayaa sannado badan waxay waxbarashadooda aasaasiga ah ku soo wadeen geedo hoostood oo ay wax ku bartaan, madaama dadka deegaanku u awoodi waayeen fasallo dhismo ah oo ay wax ku bartaan .
Guddoomiyaha Hudusa oo ka sheekeeyey baahida ay ardaydaasi u qabaan iney helaan goob u diyaarsan waxbarasho ayaa xusay in ardaydu ay waxbarashada fasax ka galaan mararka qaar bilo dhan gaar ahaan xilliyada roobabka, “ Waxaanu qabnaa baahiyo badan oo waad dareemi kartaa arday waqtigan jooga oo waliba ka war qaba dunidu halkay waxbarasho iyo horumar ka gaartay, dhawaan waxaanu galnay fasax dheer ka dib markii roobab deegaanka ka curteen illeen lama dhigan karo waxbarasho arday geed hoos fadhiyaa” ayuu yiri guddoomiyaha Hudusa Axmed Muxumed Saliim.




From the comments