U bood dhigaalka

Ciidanka Ahlu Sunna Oo La Wareegay Degaanka Godinlabe Ee Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa gudaha u galay maanta degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud halkaasoo ay gacanta ku hayeen ciidanka Galmudug.

Degaanka Godinlabe ayaa maalmahan waxaa isku hayay ciidanka NISA ee Galmudug ka howlgala iyo sidoo kale malleeshiyo beeleed degaankaasi ku sugan oo isbaaro dhigtay halkaas.

Dagaalkani oo saaka dib u qarxay ayaa waxaa ku soo biirey ciidanka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaana Ahlu Sunna u suurtagashay inay degaankaasi kala wareegeen ciidanka NISA.

Dad ku dhow 10 ayaa ku dhaawacmay kuwa kalena waa ku dhinteen kuwaasoo u badan dhinacyadii dagaallamayay. waxaana degaanka Godinlabe uu caasimadda KMG ah ee Galmudug ee Cadaado u jiraa qiyaas dhan 30KM.

Wariyaha Goobjoog News ee Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Ahlu Sunna ay gacanta ku dhigtay degaanka Godinlabe oo iyaga iyo malleeshiyo beeleedkii kale ay ka wadaan howlgal.

Saraakiisha Ahlu Sunna oo aan la hadalnay waa ay ka gaabsadeen inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan dagaalka ay kula wareegeen Godinlabe, sidoo kale Galmudug ayaa weli ka hadlin illaa iminka.

Xaaladda ayaa hadda yara deggan waxaana dadka degaanka ay ka baqdin qabaan in dagaal kale uu ka dhaco halkaas.

Goobjoog News