Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Xildhibaanno, Mas’uuliyiinta Sh/dhexe, Odayaal dhaqameed iyo xubno kale ayaa guddoomiye Jawaari kusoo dhoweeyay magaalada Jowhar.
Ulajeedka guddoomiye Jawaari u tagey Jowhar ayaa ah ka qeybgalka hannaanka ay u dhaceyso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshebelle iyo ku xigeennadiisa oo maanta ka dhaceysa Jowhar.




From the comments