Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Affey.
Madaxweynaha iyo ergeyga ayaa ka wadahadley sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo magacaabista ergeyga cusub, isla markaana Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta qaxootiga Soomaalida.




From the comments