Qaramada Midoobey waxaa ay sheegeysaa in 11 qof ay ku dhinteen halka 50,000 ay ku barakaceen dagaal-ka maamullada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug.
Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaga banii’aadamnimada waxaa auu sheegayaa in dhibaatada ugu badan ay soo gaartay dadka dan yarta ah gaar ahaan barakacayaal oo sii baro-kacay.
Dagaal Khamiistii dhacay waxaa uu qeyb ka ahaa rabashado bilowday October 7, labada maamul oo kala deggen waqooyiga iyo koofurta ayaa waxaa ka dhexjira dhibaatooyin badan oo la xiriira deegaanka iyo waxyaabo kale.




From the comments