Abaaro laga dayrinayo xaaladooda ayaa ka taagan deegaanno hoos yimaadda Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxayna sidoo kale barakicisay abaartaasi dadkii ku noolaa deegaannadaas oo intoodii tamarta lahayd ay u hayaameen meelo kale oo ka naq wanaagsan deegaanadoodii hore.
Abaartan oo taaganeyd lixdii bilood ee ugu dambeysay ayaa dadka deegaanku waxay sheegayaan in waqtigan ay soo gaartay meel daran iyaga oo qaylo dhaan kala duwan u diray cidkasta oo biyo iyo cunto la gaari karta dadka deegaanka iyo xoolahoodaba .
Masaajidada magaalada Ceerigaabo oo ay hoos tagaan deegaannada abaaruhu ka taagan yihiin ayaa khudbadihii Jumcada waxa si faahfaahan culimada iyo dadka u kuurgalay ugana warrameen xaaladda ba’an oo ay ku sugan yihiin deegaannadaasi waxayna ku baaqeen in la gacan qabto dadka oo qaarkood u gudbay masaafo dheer oo ka tirsan dhanka gobolka Sool.




From the comments