Goobjoog

Antonio Guterres

Golaha ammaanka iyo wadammada xubnaha ka ah Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa si aqlabiyad ah ku doortay Antonio Guterres oo u dhashay dalka Portuguese-ka si in uu noqdo madaxii 9-aad…

Antonio Guterres
FILE – In this June 20, 2015 file photo, U.N. High Commissioner for Refugees Antonio Guterres, right, arrives for a visit at the Midyat refugee camp in Mardin, southeastern Turkey, near the Syrian border, Saturday, June 20, 2015. Gutierrez visited the camp which is sheltering those who have fled the 4-year conflict in neighbouring Syria, on the World Refugee Day. The U.N. Security Council will meet on Thursday, Oct. 6, 2016, to formally approve Guterres as the next U.N. secretary-general and recommend his candidacy to the 193-member General Assembly, which must give final approval. (AP Photo/Emrah Gurel, File)

Golaha ammaanka iyo wadammada xubnaha ka ah Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa si aqlabiyad ah ku doortay Antonio Guterres oo u dhashay dalka Portuguese-ka si in uu noqdo madaxii 9-aad ee qaramada midoobey ay abid yeelato.

Guterres, oo 67 jir ayaa lagu wadaa in uu badalo xogheyaha haatan ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon bisha January ee  2017-ka.

Hadaba waa kuma Antonio Guterres:

Sanadkii 2005-tii, waxaa António Guterres ay jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa u dooratay in uu noqdo madaxa hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR jagadaas uu hayey muddo 10 sano ah.

Dhanka siyaasadda António Guterres waxaa uu dalka Portugal ra’isul wasaare ka ahaa inta u dhaxeysay (1995-2002)-dii.

2000: António Guterres waxaa uu muddo madax ka ahaa European Council.

1991: Waxaa uu aasaasay Portuguese Refugee Council ah gole ka shaqeeyay arrimaha qaxootiga ee dalka Portuguese-ka.

1973: Waxaa uu ku biiray xisbiga Hanti-wadaagga dalkaasi, isagoo markii dambe noqday xogheyaha guud ee xisbiga 1992-dii.

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah in uu u dagaallamay in dalkiisa uu ku biiro midowga Yurub iyo sida uu uga soo horjeestay dhicisinta.

Antonio Guterres waxaa uu April 30-keedii 1949-kii ku dhashay caasimadda Portuguese-ka ee Lisbon isagoo halkaas physics iyo electrical engineering -ka ka dhigtay Instituto Superior Técnico (IST), waxaa uu bare ka noqday Jaamacadaha dalkaasi.

Antonio Guterres waxaa uu ku hadlaa luqadaha Portuguese-ka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Spanish-ka.

Guterres waxaa uu xogheye guud ka noqonayaa urur xubno ka yihiin 193 dal, waxaa ay qaramada midoobey ku jirtaa xaalad aad u xun oo ay wax ka qaban la’dahay dhibaatooyinka caalamka ka jira, Ban Ki-moon  oo ah ninka isaga ka horeeyay waxaa uu ahaa mas’uulkii ugu xumaa 8-da xogheye ee soo martay qaramada midoobey.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments