Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay wadanka Isku tagga Imaaraadka Carabta, xilli magaalada Garoowe uu maanta tagey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Gaas oo si kooban saxaafadda kula hadlay Garoonka Garoowe ayaa sheegay in ulajeedka uu u ambabaxyo tahay sidii uu madaxda dalkaasi ugala soo shiri lahaa arrimo la xiriira Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
“Waxaan safar yar oo kooban ugu baxayaa dalka isku tagga Imaaraadka carabta, aniga oo sii mari doono Itoobiya, waqti dheer inaan maqnaado ma rabo, waa safar muhiim ah oo Labo jeer horey naga baaqday, waxaan u tagayaa arrimo la xiriira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in safarkaasi guul kusoo dhammaado”




From the comments