Goobjoog

Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba Oo Ku Dhaawacmay Qarax Lagu Weeraray

Wararka hadda naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay degmadaasi. Qaraxani miino ayaa ka dhacay guriga uu ku shaqeeyo maamulka degmada…

Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba Oo Ku Dhaawacmay Qarax Lagu Weeraray

Wararka hadda naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay degmadaasi.

Qaraxani miino ayaa ka dhacay guriga uu ku shaqeeyo maamulka degmada Buurhakaba waxaana dad lagu kalsoon yahay ay Goobjoog News u xaqiijiyeen in qaraxa guriga lagu sii diyaariyay.

Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Maxamed Amiin Cabdi ayaa dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi waxaana loola cararay xarun caafimaad.

Guddoomiyaha ayaa loo qaaday xarunta taliska ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Xaaladd ayaa yara deggan halka uu ka dhacay qaraxa oo ay gaareen ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments