Maamulka degmada Baardheere ayaa soo saarey ammar ah in haweenka ay qabaan ragga ka tirsan Al-shabaab kuna nool degmadaasi in ay degdeg uga baxaan degmadaasi.
Waxa uu maamulka degmada Baardheere oo ammarkan si qoraal ah usoo saarey ay haweenka u qabteen in degmada ay uga baxaan muddo Todobo cisho ah gudaheed, ciddii ammaarkaasi jabisana waxay sheegeen in tallaab adag laga qaadi doono.
Sidoo kale maamulka ayaa mamnuucay meelaha lagu Kaarikeeyo batariga Taleefannada Gacanta, Harqaamnada, beerista iyo ka ganacsiga Tubaakada iyo dadka gaari gacannada ku shaqeysta ee miisaska la fadhiya bagaashka.




From the comments