FBI-da dalka Mareykanka ayaa sheegtay in xukunno lagu ridayo Saddex nin oo qorsheynayey inay qarxiyaan dhisme ay deggen yihiin dad Soomaaliyeed.
Saddexda nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Curtis Allen oo 49 jir ah, Gavin Wright oo 49 jir ah iyo Patrick Eugene oo 47 jir ah waxaana lagu soo eedeeyey inay isticmaaleen hubka sida weyn wax u burburiya halka lagu magacaabo Garden City ee gobolka Kansas.
Saraakiisha waxay sheegeen in kooxdani ay ka mid yihiin maleeshiyaad wada kacdoonno ka dhan ah dowladda islamarkaana diiddan dadka soo galootiga ah.




From the comments