Beeraleyda ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa cabasho ka ah amni darri baahsan oo haysa, iyaga oo sheegay in dhibaato ay kala kulmaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka ah.
Cabashada ugu badan waxaa qaba dadka ku dhaqan Deegaannada Sagaalaad iyo Gaal-wari ee ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye, waxaana ay sheegeen dadkani in markii ay beeraha u socdaan ay dhibaaato kala kulmaan rag hubeysan kana dhacaya waxa ay wataan.
Dadkan qaarkood oo la hadlay Goobjoog news, kana gaaabsaday magacooda sababo amni ayaa sheegay in haweenka la kufsado, la dhaco lacagaha, taleefannada gacanka iyo xitaa dharka ay qabaan, waa sida ay hadalka u dhigeene.




From the comments