Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay gelinkii dambe diyaarad nooca loo yaqaano Drone-ka ee wax basaasa ay ku dhacday deegaanka Qudus oo qiyaastii 45 Km dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.
Diyaaradan ayaa la sheegay markii ay soo dhacday kadib in ay gacanta ku dhigeen dagaalyahannada Al-shabaab, sida lagu daabacay warbaahinta afkooda ku hadasha.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in diyaaraddan ay ku rakibnaayeen Kaamirooyinka wax duuba, balse lama sheegin soo dhicisteeda iney cillad tahay iyo in Al-shabaab ay soo rideen.




From the comments