Waxaa maanta magaalada Cadaado lagu soo gabegebeeyay doorashadii aqalka sare ee xubnaha Galmudug kuwaasoo gaaraya siddeed xubin.
Doorashada oo shalay billaabatay ayaa maanta la soo afjaray kadib markii la doortay xubnihii ugu dambeeyay waxaana maanta lagu soo doortay xubno gaaraya illaa seddex oo mid kamid ah ay tahay haween.
Qeybta hore ee doorashada waxaa ku tartamay kamid noqoshada aqalka sare ee Galmudug ka imaanaya Jawaahir Axmed Cilmi, Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo ENG. Maxamuud Maxamed waxaana 51 cod ku guuleysatay Jawaahir Cilmi oo lagu dhawaaqay inay kamid noqotay aqalka sare ee Galmudug.




From the comments