Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta oo Axad ah waxay dooran doonaa 3 xubin oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee ka haray 8 Xubin ee kusoo aaddey maamulkaasi.
Waxay maalintii shalay ahayd doorasho ka dhacday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud lagu doortay 5 xubin, iyadoo maantana la dooran doono xubnaha haray.
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Galmudug in maanta ay soo xaadiraan xilli hore si loo dhameeystiro xubnaha ka haray doorashada aqalka sare.




From the comments