Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya ciidamada maamulkiisa iyo kuwa Galmudug.
Gaas ayaa sheegay in nabaddu ay muhiim tahay, waxaana maamulka Galmudug ugu baaqey iney ka shaqeeyaan nabadda, derisnimada iyo sidoo kale in kaalin laga wada qaato dib usoo celinta bilicda Gaalkacyo.
“Annagu haddii aan nahay Puntland waxaan taageersannahay in dadka deriska ah ay ku wada noolaadaan nabad, horumar iyo Soomaalinimo, dadku kala tagi maayaan waa walaalo, waxaan ku baaqeynaa in nabadda laga wada shaqeeoyo, xabadda la joojiyo, lagana wada shaqeeyo horumarka magaalada” ayuu yiri Gaas.




From the comments