Goobjoog

Nabad-Suggidda Oo Al-baabada Isugu Dhufatay Wargeyska Xog Ogaal

Maxamed Maxamud Aden oo madaxa wargeyska Xog Ogaal ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamo ka tirsan nabad sugidda ay xalay albaabada isugu dhufteen wargeyska Xog-Ogaal. Maxamed waxaa uu sidoo…

Nabad-Suggidda Oo Al-baabada Isugu Dhufatay Wargeyska Xog Ogaal

Maxamed Maxamud Aden oo madaxa wargeyska Xog Ogaal ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamo ka tirsan nabad sugidda ay xalay albaabada isugu dhufteen wargeyska Xog-Ogaal.

Maxamed waxaa uu sidoo kale sheegayaa ay horay u wateen Cabdi Aden Guuleed oo ah tifaftiraha wargeyska Xog-Ogaal.

“ Xalay hal saac ayey u dhaceen xarunta, qalabkana waa ay qaateen” ayuu intaa raaciyay madaxa wargeyska.

Xog-Ogaal waxaa la aas-aasay 26-kii June 1991-kii, isagoo ka mid noqday wargeysyadii ugu horeeyay ee curtay burburkii dowladdii dhexe kadib.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments