Madaxda dhaqanka magaalada Laascaanood ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Laascaanood ay todobaadkan gudihiisa dhigi doonana banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan dhallinyaro toban ka badan oo ciidamada booliska Somaliland ka xireen gudaha magaalada Laascaanood kuwaasi oo loo soo gudbiyey magaalada Hargeysa.
Odayaasha dhaqanka oo shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood ayaa waxay Somaliland ku eedeeyeen iney dhallinyaro aan dambi cad lagu haynin ay soo xireen ka dibna ay u soo gudbiyeen magaalada Hargeysa, iyada haddiiba ay dambi galeen xataa lagu qaadi kari lahaa dacwadooda gudaha magaalada Laascaanood.
Garaad Jaamac Maxamed oo ka mid ahaa odayaasha hadlay waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan Laascaanood ay dhawaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan falkan ay dhigi doonaan, kaas oo uu ku tilmaamay mid sharciga baal marsan isla markaana meel ka dhac ku aha xuquuqda dadka reer Laascaanood.




From the comments