U bood dhigaalka

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ka Billaabatey Jowhar

Oktoobar 17, 2016

Waxaa goor dhow magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka  billaabatay codeynta doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Cali Maxamed Caraale oo kamid ah musharraxiinta u taagnaa xilka madaxweynaha Hirshabelle ayaa khudbad uu jeediyey wuxuu sheegay inuu tanaasulay.

Waxaa codadka ay xildhibaannada Hirshabelle u qaadayaan musharraxiinta kala ah Cali C/laahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare.

Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Xuseen Odowaa iyo xubno ka socda IGAD ayaa ku sugan halka doorashada ay ka dhacayso.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News