Xildhibaan Cabduqaadir Sheekh Xanafi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa eedeymo dhanka doorashooyinka ah u soo jeediyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar.
Xildhibaanka ayaa wasiirka ku eedeeyay inuu farogalin ku hayo howlaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer fadaraal;
“Maalmahan waxaa socda doorashooyinkii aqalka sare iyo aqalka hoose, waxaan dareemaynay dowladda qaar ka mid ah iney farogalin ku hayaan guddiga doorashooyinka saameyn iney ku yeeshaan ama waxyaabo farabadan oo aan loo baahneyn ay ka dhex qabtaan gudaha dhexdiisa, iyagoo is ticmaalayo magacii dowladnimo iyo magacii wasiirnimo, waxaan si kulul u eedeeyneynaa anigoo ah xildhibaan Xanafi wasiirka amniga qaranka oo baryahan dambe ku mashquulsan sidii uu culeys u saari lahaa guddiga doorashooyinka, waxyaabo farabadan ayaa naga soo gaaray illaa iyo hadda, waxay ku mashquulsan yihiin xildhibaanada murashixiinta ah; gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Hiiraan sidii ay u gudbiyaan Dekomintigooda guddiga heer qaran”.




From the comments