Wasaaradda Waxbarada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay iney wado Qorshe lagu kala saarayo tayada jaamacadaha ka howlgala dalka gaar ahaan magaalada mugadishu ee caasimadda dalkeena hooyo.
Agaasimaha waxbarashada sare ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda uu waqtigeedu dhamaaday mudane Ismaacii Yuusuf cismaan ayaa waxa uu sheegay iney wasaaraddu ku howlantahay tayanta waxbarashada dalka ayna jiraan kulamo kale oo ay la qaateen maamullada qeybta ka ah dowladda dhexe ee soomaaliya dhawaana afti loo qaadi doono sharciga tayaynta wabarashada dalka waa sida uu shaaciyey Agaasimaha waxabarashada sare ee dalka waxa uuna yiri
“markii ay siibateen jaamacadaha sanadkii 2014 waxaan bilownay inaan dajino sharuucdii xakameyn laheyd oo loo dajin lahaa jaamacadahaas mar walba waxaad ubaahantay dhaqaale markaad sharci dajineyso 2014 ilaa 2015 waxaan dhameynay shacigii lagu hagi lahaa jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay”




From the comments