Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka jirto xiisad u dhaxeeysa maamullada Puntland iyo Galmudug, xilli la wado dedaal Labada dhinac lagu heshiisiinayo.
Goob joogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in ciidamada Labada dhinac ay saakay wadaan dhaqdhaqaaqyo ka duwan kuwii hore, iyadoo lasoo sheegayo in xilli walbo halkaasi laga filan karo isku dhacyo.
Waxaa burburay dedaallo nabadeed oo ay wadeen waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo shacabkii ku dhaqanaa magaaladaasi ay intooda badan halkaasi isaga barakaceen.




From the comments