Xildhibaan Axmed Obsiiye Gacan oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xisbiyada siyaasadda waxa uu ugu baaqay iney ka wada qayb qaataan sidii doorashada madaxweynaha loogu qaban lahaa waqtigii loo cayimay ee 28 March sannadka 2017.
Xildhibaan Gacan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Somaliland rajadeeda siyaasadeed oo hirgashaa ay tahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto ”Waxaan u sheegayaa madaxweyanaha, xisbiyada siyaasadda , guddiga doorashooyinka in maanta la joogo tijaabo kale oo Somaliland galayso taasi oo sababi karta iney mustaqbalkeedu guulaysto ama guuldarreysto waana in doorashad la qabto “ ayuu yiri Xildhibaanku.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in waqtigan oo ay isbedello laga dareemayo siyaasadda deegaanno ka tirsan geeska Afrika sida Ethiopia iyo Soomaaliya loo baahan yahay doorasho waqtigeeda ka dhacda Somaliland si ay tusaale ku dayasho leh ugu noqoto dumuquraadiyadda geeska Afrika .




From the comments