Natiijada Doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland
Doorashada Aqalka sare ayaa ka dhacday Jubbaland, doorashada waxaa ku tartamay ilaa 17 qof waxaa hoolka ku sugan 66 Xildhibaan oo Jubbaland, doorashadan waxaana laga rabaa in ay ka soo baxdo 8 qof oo Jubbaland u matali doonta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah.
Tartamayaasha:
Kursiga Kobaad: codbixin kadib natiijada waxaa ay noqotay Xasan Faarax Xujaale 40 waxaa uu ka adkaaday Cabdi Maxamed Tarax 23
Kursiga Labaad: codbixin kadib natiijada waxaa ay noqotay Axmed Xaashi 40 ayaa waxaa uu ka adkaaday Prof: Maxamed Cabdi Gaani 26
Kursiga Sedexaad: codbixin kadib natiijada waxaa ay noqotay Cabdilahi Sheekh Ismaaciil 55 waxaa uu ka adkaaday Zeynab Cabdi Samaw 11,
Kursiga Afraad: codbixin kadib natiijada waxaa ay noqotay Aden Maxamed Jaamac, Cabdi Barre Ibrahim 19, Mowlid Xuseen Guhaad 46, ninka dambe ayaa ku guuleystay
Kursiga Shanaad: codbixin kadib natiijada waxaa ay noqotay Aden Axmed Maxamed 18, Axmed M. Cumar Axmed 48
Kursiga Lixaad: codbixin kadib natiijada waxaa ay noqotay Muslimo Abdiraxmaan 0 Axmed Cabdi Xafid Maxamud 66
Kursiga Todobaad: codbixin kadib natiijada waxaa ay noqotay Iftin Xasan Mursal , Nuur Salaad Cabdulahi, wareegga hore waxaa ay heleen mid 33 cod
Kursiga sedeedaad: codbixinta kadib, natiijada waxaa ay noqotay Faadumo Xasan Aden 42 Waris Cabdi 25, gabdha hore ayaa ku soo baxday.