Wafdi ka socda maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in dhowaan ay tagaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, iyaga oo dadka Soomaaliyeed kala soo hadli doona arrimo ku aadan kusoo laabashada dalkooda.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay tagaan Dhadhaab, lana soo kulmaan shacabka Soomaaliyeed.
“Rajo weyn oo dadkaasi wax loogu qabanayo baan qabnaa, dadkaasi badi annaga ayeey inoo soo socdaan, aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo ayaa tagi doona Dhadhaab, waxaa dadkaan loo sameyn doonaa guryo, Isbitaal iyo Iskuullo, wax ay ku noolaadaan muddo Lix bil ahna Kaash baa loo siinayaa” ayuu yiri wasiirka.




From the comments