Mid kamid ah aqoonyahannada kasoo jeeda gobolka Gedo laguna magacaabo Ibraahim Maxamed Cabdulle ayaa kasoo horjeestay doorashadii aqalka sare ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.
Aqoonyahankani oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu ka dambeeyo cadaalad darro uu sheegay in loo qeybiyay xubnaha aqalka sare oo ay horey ugu baaqeen in madaxweyne Axmed Madoobe uu dib ugu laabto.
Doorashada ayuu sheegay ineysan ahayn mid ku dhacday si cadaalad ah, islamarkaana goobta la geeyey xubno aysan raali ka ahayn dadkii ay ka dhasheen, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments