Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ku guuleystay Kursiga 1-aad ee doorashada aqalka sare qeybta Puntland taas oo ka socota Garoowe.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa helay codad gaaraya 47, halka Aamino Aadan Cabdullaahi oo la tartameysay Ra’iisul wasaaraha ay heshay 17, waxaana hallaabey Hal cod.
Doorashada ayaa ka socota xarunta baarlamaanka Garoowe, iyadoo xildhibaannada ay sii wadi doonaan doorashada xubnaha kale.




From the comments