Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka billowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.
Wariyaasha Goobjoog ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in dagaalkan xooggiisa uu ka socdo galbeedka magaaladaasi, lana maqlayo rasaas culus oo Labada dhinac is weydaarsanayaan.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan inta uu la egyahay maadaama rasaas xooggan ay socoto, iyadoo la maqlayo daryanka madaafiicda.




From the comments