Mudanayaasha Aqalka Sare ee dhowaan laga soo doortay Dawlad goboleedka Galmudug, waxay ayagoo aad uga xun walaac ka muujinayaan dagaalada soo noqnoqday ee ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee dadka walaalaha ah ee deeganadaas ku wada nool u dhexeeya.
Waxaan aad uga xunnahay dhibaatooyinka dagaaladaas ka dhashay ee isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyeed iyo colaad sii gaamurta oo kala dhex-gasha dadka walaalaha ee ood wadaagga ahl, ayadoo aan aaminsannahay in horumarka ka jira deegaanadaas uusan aheyn mid xamili kara colaad hor leh oo halkaas ka dilaacda.
Mudanayaasha Aqalka Sare waxay hogaamiyaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ugu baaqayaan in kaalin muuqata ay ka qaataan joojinta dirirtaas, ayagoo u turaya dadka danyarta ah ee Gaalkacyo ku nool, annagoo ku baaqayna in dib loo hawlgaliyo guddiyadii wada-hadalka labada maamul ee la dhisay dabayaaqadii sanadkii hore.




From the comments