Qoysas badan oo kasoo barakacay roobab dabaylo iyo daad wata oo ka da’ay deegaanno ku yaalla galbeedka gobolka Hiiraan ayaa soo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qoysaskan oo u badan haween iyo carruur ayaa guryihii ay deganaayeen waxaa la tagey daadkii, waxaana dadku ay maciin bideen in naftooda kula soo cararaan B/weyne.
Maryan Axmed Cali, waa hooyo haysata 6 carruur ah, waxay kusoo barakacday magaalada B/weyne, waxayna ku biirtay barakacayaasha ku sugan kaamamka magaaladaasi, iyadoo Goobjoog u sheegtay iney lasoo kulantay xaalado adag oo dhanka nolosha ah.




From the comments