Guddoomiyaha guddida dabagalka dhibaatadii ka dhacday waqooyiga Soomaaliya xiligii dagaalladii sokeeye ee SNM iyo dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Axmed Cabdi Like ayaa ku baaqay inaan xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya aan lagu soo darin General Maxamed Siciid Moorgan oo waqtigaasi ahaa taliyihii guutada 26-aad ee ciidanka militariga Soomaaliya.
Axmed Like oo warbaahinta la hadlay Arbacadii ayaa sheegay in General Moorgan oo mar kale wax ku yeesha talada Soomaaliya ay horseedayso nacayb iyo in dib loo xusuusto dhibaatooyin ay dadka reer Somaliland tabanayeen ee ku kalliftay iney goonni isku taagaan, waxaanu yiri isaga oo qodobkaasi ka hadlaaya ” Waxaanu soo jeedinnay haddii aanu nahay Somaliland in Maxamed Siciid Moorgan aan laga qaybgelin talada dalka Soomaaliya sababta oo ah waa arrin abuuri karta in dib loo xusuusto dagaalladii dhacay “.
Guddoomiyaha dabagalka dhibaatadii ka dhacay Somaliland ayaa waxa kale oo uu sheegay iney Somaliland ku baaqayso in beesha caalamku ay soo farogeliso sidii General Maxamed Siciid Moorgan aanu markale uga qayb qaadan lahayn talada dadka Soomaaliya, waxaanuu xusay hadday suurogal tahay iney codsanayaan in gacanta loo soo galiyo .




From the comments