War degdeg ah oo hadda naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in galbeedka magaaladaasi uu ka qarxay dagaal xooggan.
Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ka soconaya duleedka galbeed ee Gaalkacyo halkaasoo maalmahani ay isku horfadhiyeen labada dhinac.
Wariyeyaasha Goobjoog News ee Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in magaalada si weyn looga maqlayo rasaas xooggan oo Galmudug iyo Puntland ay isku adeegsanayaan.




From the comments