Guddiga Doorashooyinka Oo Baaq u Diray Maamulka Hirshabelle

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa war-saxaafadeed uu soo saarey waxa uu kaga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka aqalka sare, waxaana guddiga uu baaq u diray maamulka Hirshabelle.
Ugu horreyn guddiga ayaa u mahadceliyey maamullada Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo doortay xubnaha aqalka sare.
Sidoo kale guddiga ayaa soo dhoweeyay dhismaha maamulka Hirshabelle, waxaana uu guddiga ugu baaqay maamulka iney dedejiyeen magacaabista musharraxiinta u tartamaya xubnaha aqalka sare
“Guddigu waxaa uu soo dhaweynayaa dhismaha dowlad goboleedka HirShabeelle waxaana uu ugu baaqayaa in ay soo dedejiyaan magacaabista musharraxiinta u tartamaya aqalka sare iyagoo dhowraya guud ahaan shuruudaha ay madashu u dajisay magacaabista musharraxiinta aqalka sare sida in 30% kuraasta aqalka sare ay haweenka si gaar ah ay ugu tartamaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka.
Maamulka Hirshabelle waxaa horyaalla shaqooyin badan, iyadoo maamulkaan uu yahay midkii ugu dambeeyay ee nidaamka federaaleynta dalka.
Goobjoog News