Warbaahinta ayaa ku warrameyso iney koonfur Africa ay bilowday hanaankii ay kaga bixi lahayd maxkamadda Denbiyada caalamiga ah ee ICC.
Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan iney diblomaasiyiinta wadankaasi ay ku wargaliyen qaramada midoobay tallbadaan ay koonfur Africa ay kaga baxaseyso maxkamadda ICC-da ka dib markii ay ku eedeysay in ICC-da ka xagliso wadamada Africa.
Madaxda dalka koonfur Africa ayaa diidey sanadkii hore in la xiro madaxweynha wadanka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir kaasi ay doon dooneysay maxkamdda denbiyada caalamiga ah ee Iccda ka dib markii ay ku eedeysay Albashiir inuu lug ku leeyahy gumaad iyo danbiyo dagaal oo ka dhacay wadanka suudaan gaar ahaan gobolka daafuur ee galbeedka wadankaasi




From the comments