Maxkmadda sare ee dalka Masar ayaa adkeysay xukun 20 sano oo xarig ah oo horay loogu riday madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Musri.
Waxaa kaloo ay maxkamadda adkeysay xukumadda ragga ugu caansan ikhwaanka Masar sida Cisaam Al-Ciryaan, Maxamed Biltaaji, Jamaal Saabir, Ascad Shiixa, Axmed Cabdicaadhi, Calaa Xamda, Hudhud iyo rag kale.
Qadiyadda raggan lagu heysto waxaa loo yaqaanaa “Dhacdadii Itixaadiya ama Madaxtooyada Masar”, waxaana mar hore lagu xukumay 7 raggaas ka mid 20 sano halka 10 lagu xukumay 10 sano oo shaqo adag ah.




From the comments