Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta lagu wadaa inuu soo xulo murashixiinta xisbiga u mataleysa doorashooyinka madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, taas oo la filayo iney qabsoonto bilowga 2017.
Xisbiga ayaa 4-tii maalmood ee la soo dhaafay waday xaflado waaweyn iyo tashi guud oo ku saabsan qorshaha xisbigu ku waajahayo ol’olaha doorasho iyadoo nidaamka xulista madaxda xisbiga horey loo go’aamiyay, murashixiinta la soo kala reebay intoodii badneyd.
Jagada madaxweynaha xisbiga waxaa u sharraxan oo kaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo xisbigu isku raacay inaan tartarnkaa cid kale kula loolamin, maadaama tartanka dhankaa laga galaa keeni karo kala qeybsanaan iyo is xulafaysi gudaha xisbiga ah oo dhalin kara in kolba kooxda laga guuleystaa gadooddo taageerayaal muhiim ahna uu xisbiga sidaa ku waayo, waana sida ay sheegeen siyaasiyiinta xisbiga oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.




From the comments