Dowladda Turkiga ayaa Basas Nooca aan rasaasta Karin ah ugu deeqday Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana kala wareegay Basaskan Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Amb Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe), oo ay wehliyeen Howlwadeeno Safaaradda ka tirsan.
Basaska oo tiradooda ay tahay Labo ayaa loogu talo galay in loogu adeego Maxaabiista Xabisyadda dalka ku xiran ,waxaana Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay soo saartay Markab iyadoo dalka ay soo gaari doonaan Dhawaan.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe),ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan Ciidamadda qaranka, isagoo timaamay in basaskan Caalamiga ah ee Turkiga ay ugu deeqeen Ciidanka Asluubta uu waxbadan ka badali doonno howlaha Hormarineed ee Ciidankaasi kawadaan Xabsiyada dalka ,iyadoo uu xusay Safiirka in Iminka Horumar aad u balaaran laga dareemayo Xabsiga dhexe ee Xamar.





From the comments