Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa amar ku bixiyay in la bixiyo oo guddiga doorashooyinka lagu wareejiyo lacagihii ku baxayay doorashada madaxweyne-nimada, si aanuu u iman dib u dhac waqtigii loo qorsheeyey ee ahaa bisha March ee sannadka 2017.
Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashada oo qabsoonta ay xukuumaddiisu gacanta ugu weyn ay ka geysaneyso, taas oo ah bixinta lacag dhan 4-milyan oo dolar oo lagu qabanayo doorashada, isagoo bixinta lacagtaasi u wakiishay wasiirka maaliyadda oo iyaduna ku wareejisay guddida doorashooyinka Somaliland.
Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay goobtii ay lacagtaasi guddida doorashooyinka ku guddoonsiinaysay ayaa sheegtay in sababta ay lacagtan u bixinayaan ay tahay in Somaliland laga qabto doorasho aan waqtigeedii dhaafin sidaasi darteedna ay xukuumaddu bixisay lacag dhan 4-milyan oo dollarka maraykanka ah .




From the comments