Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saakay uu dib uga billowday dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.
Goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalka uu yahay mid xooggan, islamarkaana la isku adeegsanayo hub culus.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana uu ka soconayaa dhanka galbeed ee magaalada.




From the comments